Aqalka Sare ee Soomaaliya (AS) waa mid ka mid ah labada aqal ee sharci dejinta Soomaaliya. Waxaa la aasaasay sanadkii 2016-kii, wuxuuna ka kooban yahay 54-kursi. Sida uu qabo Dastuurka, dhammaan Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa tiro isla eg ah ku yeelanaya Aqalka Sare, xubnuhuna waxay matalayaan dhammaan beelaha Soomaaliya. Hase ahaatee, Dowlad Goboleedyada (DG) qaarkood ayaa loo qoondeeyay kuraas ka badan maamulada kale halka beelaha qaar ay yihiin kuwo aan matalaad dhab ah ku lahayn AS.
Dastuurku wuxuu labada aqal siinaya awood sharci dejin oo laga maarmaan ka dhigaysa wada shaqeyntooda. Laakiin xiriirka labada aqal ayaa waxaa hareeyay is qabqabsi joogto ah iyo khilaaf aan dhammaad laheyn, kaasoo sababay in Aqalka Sare uu gabi ahaanba hakiyo shaqadiisa. Xukuumada ayaa xeeraysay sharciyo xasaasi ah waxayna dhistay guddiyo qaran iyadoon AS laga talo gelin. Dhanka kale wadashaqeynta DFS iyo DG ayaa inta badan hakad ku jiray.
Soomaaliya waxay ku taamaysaa sidii ay u heli lahayd hab dawladnimo oo dimoqraadi ah iyo doorashooyin lagu kalsoonaan karo. Doorashooyinku waa qayb ka mid ah himilooyinka shacabka Soomaaliyeed si ay u helaan hoggaamiyeyaal ixtiraama oo hirgeliya dastuurka korna u qaada awoodda hay’adaha dowladda si ay ugu adeegaan shacabkooda. Hannaanka doorashada 2021 ah ah mid rajo beel ka dhigaysa himilooyinkaas.
Xarunta Aaran ayaa dib u milicsatay abuurista Aqalka Sare ee Soomaaliya, waxayna qiimeyneysaa heerka uu gaarsiisan yahay hannaanka doorashada Aqalka Sare ee 2021-ka. Warbxintan waxay u habaysan tahay afar qaybood: Qaybta 1aad waxaynu dib u eegaynaa sababta ka dambaysa abuurista Aqalka Sare, doorkiisa dastuuriga ah iyo qaab dhismeedkiisa. Waxaan marka hore eegeynaa cilladaha ku jira Dastuurka, sababta keentay dheelatir la’aanta saami-qaybsiga kuraasta iyo hanaanka loo maray qeybinta kuraasta Aqalka Sare. Qaybta 2aad waxaan si kooban uga hadlaynaa waxqabadka AS muddadii uu jiray. Xiriirka wada shaqayneed ee AS iyo Golaha Shacabka, la xisaabtanka dowladda iyo matalaadda DG. Qaybta 3aad waxaan qiimayn ku samayneynaa doorashada 2021. Qaybta 4aad waa gunaanad iyo soo jeedin talooyin ku saabsan sidii AS looga dhigi lahaa mid cad doorkiisa dastuuriga ah, dheelitiran, si dhab ahna u matalaya DG.
.
Leave a Reply